Sunday, November 28, 2010

XSCF oo Magacaabay Wakiilka Waqooyiga Ameerika


MUQDISHO: Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo Wakiilka Waqooyiga Ameerika, Halyeeyga Ciyaaraha Fudud ahna Guddoomiyaha Ururka Oradyahanada Soomaaliyeed ee ‘SORCO’ Cabdi Warsame Isaaq ayaa waxaa la sheegay inuu noqon doono wakiil buuxa ka shaqeynaya dhinaca horumarinta iyo isku xirka Orodyahanada Ciyaaraha Fudud.
Nuqul ka mid ah wareegtadan magacaabista ah  oo soo gaartay saxaafada ayaa waxaa ku saxiixnaa Kusimaha Guddoomiyaha XSCF  Drs. Khadiija Aadan Daahir.
“Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud wuxuu isku raacay in  Halyeey Cabdi Warsame  Isaaq loo magacaabo Wakiilka rasmiga ee Waqooyiga Ameerika, waa Halyeey ka warqaba Ciyaaraha Fudud ee dalkiisa  diyaarna u ah mar walba ka shaqeynta horumarka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.”
“Waxaan codsanaynaa in Halyeeyada kale ee Ciyaaraha Fudud, Ciyaartoyda iyo xubanaha Guddiga SOMALI RUNNERS COMMUNITY ORGANIZATION si wadaniyad ku jirto kala shaqeeyaan howlaha loo idmaday.” Drs. Khadiija  Aadan Daahir ayaa qoraalkeeda sidaasi ku xustay.
Ma`aha marka ugu horeysay oo ay XSCF magacaabaan wakiilo iyaga ka tarjumaya, waxaana iminka wakiilo ku leeyahiin dalalka Europe, Asia iyo America.
Xiriirka Ciyaaraha fudud ayaa lagu tilmaamaa xiriirada ugu cad-cad ee sida wanaagsan uga soo dhilaalay wajibaadkiisa xilli dalka uu marayo marxalad adag oo  ay sameyn Isboortigu ku yeesheen dagaalada aan joogsiga lahayn ee ka soconaya Caasimadda Muqdisho.
Goolka.com

No comments:

Post a Comment